U bood dhigaalka

Goobjoog Oo Dood Ka Qabatay Sharciga Doorashada ee Golaha Horyaalla.

Sheeko:Dalka

Ayada oo Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya uu horyaallo sharciga doorashooyinka si doorasho loogu qabto 2021-ka ayaa waxaa socoto doodo arrintaas la xiriira.

Markaan ka anba qaadno sharciga dorashooyinka ee hadda horyaalla golaha shacabka, waxaana soo baxaayo kala aragti duwaanta xildhibaannada ee ku aadan nooca doorasho ee 2021-ka dalka ka dhici karto iyo deegaannada.

Xidhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay barnaamijka madasha ee Goobjoog TV ayaa sheegay in sharciga horyaal golaha shacabka uu dalka gaarsiin karo in ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod waxaana uu yiri” Nidaamkaan waxaa uu uga dhigan yahay in shacabka Soomaaliyeed in 2020 ay codeeyaan, ayna u codeeyaan cidii Baarlamaanka Soomaaliya umatali laheyd oo ayaga codkooda xanbaarsan Madaxweyne u dooran laheyd oo ayagoo codkooda xanbaarsan Ra’iisalwasaare uga soo dhex bixi lahaa, in dadkaas ay doortaan ayey uga dhigan tahay meel loo raaco xildhibaannada joogo lama yaqaan Madaxweynahana waad ogtihiin 30 iyo intaas oo sano ayuu dibadda jiray”

Sidoo kale xildhibaan Zakariye Xasan Gaashaan ayaa xusay in nidaamaka doorasho ee hadda dalka uu qaatay yahay mid lagu ilaalinaayo in mar kale dalka dib ugu markale ugu laabto kali talisnimo waxaana uu yiri” Waxaad ogtihiin wadankaan heerka uu maanta joogo waxaa soo gaarsiiyey Madaxweyne awood leh aan lala xisaabtameen, in Baarlamaankii uu awooda yeesho waxaa ay ka dhigan tahay awooddii waxaa heysta shacabka, waxaa la ilaalinayaa in Madaxweyne awood leh oo ku takrifal awoodiisa kalitalis inuu abuurmo ayaa la ilaalnayaa, waxaana laga cararayaa in dib loogu noqdo cuqdadii ka dhalatay kalitalisnimada”.

Dhanka kale xildhibaan Maxamed Jaamac Geele ayaa meesha ka saaray in xiligaan dalka ay ka qabsoomi karto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021-ka, waxaana uu xuay in Baarlamanka uu doonaayo mustaqbalka inuu gaarsiiyo dalka waxaana uu yiri” Anigu maqabo in xiligaan dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah Somaliland waa goballo naga maqan walina dastuurkeena ku leh matalaadoodii ku keh Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya doorasho kama dhici kareyso, hadaan ka imaado Somaliland waxaa jira gobal kamid ah gobalada Koonfureed Jubada dhexe guud ahaan gacanta waxaa uu ugu jiraa Al-shabaab caasimaddiisi Bu’aale Jilib, Saakoow, Salagle kuli Shabaabaa koontaroola yaa matalaya dadkaasi mala gaarsiin karaa waaye, nimanka Stadium Muqdisho laga dhisiwaayey miyaa shacabka feel loo galinaa, dalka waan rabnaa in doorasho qof iyo cod ah aan gaarsiino shacabkuna nagu taageero laakiin macquulba maahan doorasho qof iyo cofd ah hadda ”

Ugu danbeyn xidhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir ayaa dhankiisa carabka ku dhuftay dowlad gobaleedyada oo ah goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan ay dowladdu ugu dhaqaaqday burburin ayna macquul aheyn meelo la dumiyey in doorasho ka dhacdo, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa” Waad og tihiin dalkaan intiisa badan waxaa ka taliya dowlad gobaleedyo goobaha doorashooyinka lagu qabanaayo haddii aad tiraahdo dowlad gobaleedyadii waan la dagaalamayaa oo lacag ayaan ku bixinayaa burburintoda kala dirkooda doorashadiina waxaan rabaa inaan qabto macnaheedu waxaa waaye oo qof waliba oo caqli eh uu fahmi karaa in xukuumadda aysan ka daacad aheen in doorasho la qabtee ay muddo korarsi ayeey raadinayaan”.

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/454051911970174/?t=2818

GoobjoogNews