Guddiga Doorashooyinka Qaran oo Golaha isku Dhafka ee BFS Ka Dalbaday Dedejinta Sharciyada Iyo Habraacyada Laga Doonayo

Qoraal ka soo baxay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa waxaa golaha shacabka ay kaga dalbadeen in ay dedejiyaan sharciyada laga doonayo iyo sidoo kale habraacyada, waxaana si gaara loo tilmamay golaha isku dhafka ah ee ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya

Ugu horeyn guddiga waxa uu sheegay in uu soo dhoweynayo sharciga doorashooyinga ee la meel mariyay islamarkaana uu madaxweynuhu saxiixay, waxaana arrinkaasi ay ku tilmaameen arrin taariikhi ah.

Sidoo kale guddiga ayaa golaha sharci dejinta ka dalbaday in ay dadejiyaan meelmarinta dib u eegista sharciga xisbiyada oo haatan horyaalla goalaha shacabka, si bey yiraahdeen ay xisbiyadu ugu gudbaan xibiyo rasmi ah oo sharciyad u leh in ay ka qeyb galaan doorashada 2020/2021.

Dhinaca kale guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa waxa ay golaha isku dhafka ah ee sugidda amniga doorashooyinka  ka codsadeen in ay diyaariyaan qorshayaasha muhiimka u ah sugidda amniga  goobaha diiwaangalinta iyo codbixinta ee doorashooyinka.

Guddiga ayaa waxa uu mahad celin u jeediyay xukuumadda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira, waxaana ay sidoo kale u mahad celiyeen hay’adda qaramada midoobay, midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee taageera Soomaaliya.

Ugu dambeyn guddiga ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan kaalinta kaga aaddan xaqiijinta iyo hirgalinta howlaha muhiimka u ah doorashada 2020/2021.

Halkan ka akhriso qoraalka

Goobjoog News

Related Articles

7 Comments

  1. When you drive them crazy because of your strength and they get orgasm, you will be at peace and this energy converts into more enthusiasm for making love and eventually you will receive bodily exchanges of climax, where you will be in heaven and feel relaxed from many points.
    Gurgaon Call Girls

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW