U bood dhigaalka

Guddiga KMG Misaaniyadda Iyo Wasiir Beyle oo Kulmay

Sheeko:Dalka

Guddiga Kumeel Gaarka  ee Miisaaniyadda Labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta markii 3aad la kulamay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federalka Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Kulanka oo Ajandihiisu Ahaa, falanqeynta Miisaaniyadda 2022 iyo Su’aalo weydiinta Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee la Xiriirta Miisaaniyadda 2022-ka oo dhowaan golaha wasaaraddu ay soo gudbisay si Baarlamaanku u meel mariyo.

Kulanka oo uu shir-gudoominaayey Guddoomiyaha Guddiga KMG Maaliyadda Mudane Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa waxaa su’aalo dhowr ah lagu weydiiyay Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federalka Cabdiraxmaan Du’aale Beyle.

Goobjoog News