U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirka Imaaradka oo Kulmay

Sheeko:Dalka
Guddoomiyaha Aqalka sare  ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Alcusmaan.
Danjiruhu wuxuu Guddomiyaha soo gaarsiiyay salaan sharafeed iyo dhambaal hambalyo ah oo ku aadan dib u doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi, taas oo uu uga siday Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaranka ee Imaaraatka Carabta Mudane Saqar Gabaash.
Guddoomiyaha iyo Danjiruhu waxaa kale oo ay ka wada hadleen adkaynta xiriirka labada Dal, sidii ay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta uga qayb qaadan lahayd gurmadka abaaraha ee haatan ka socda dalka, iyo waliba in la dhiso xiriir wax tar leh oo wada shaqayneed oo dhax mara Golayaasha Sharci dejin ee labada Dal.
Kulanka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) Xoghaya Guud ee Aqalka Sare iyo Senator Saynab Ismaaciil Maxamed.
Goobjoog News