U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan oo Digniin Adag U Diray Hay’adaha Ka Howlgala Gobalkaasi

Sheeko:Dalka

Cali Jeyte Cusmaan guddoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa waxa uu digniin adag u diray hay’adaha NGO’s-ka ah ee howlaha samafalka ah ka fuliya gobalkaasi isaga oo sheegay in ha’addii amarkooda diida inay xabsiga dhigi doonaan.

Guddoomiyaha ayaa hay’adahaasi waxa uu ku eedeeyay in shacabkii ku dhaqanaa magaalada Baladweyne ay iyagu barakiciyeen islamarkaana bannaanka magaalada ay doonayaan inay ku siiyaan kartoomo iyo wax dadkaasi aysan ku nacfinayn.

Hay’adahaasi ayuu guddoomiye Jeyte u sheegay inay hormar ka sameeyaan gudaha magaalada Baladweyne waxa uuna ugu goodiyay in hay’addii banaanka magaalada ku qeybiso macaawino inay xabsiga dhigi doonaan islamarkaana ay magaalada ka ceyrin doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaas hadalkiisa ku daray in shacabka Baladweyne aysan ahayn qaxooti waxa uuna hoosta ka xariiqay in h’adaha NGO-yada ah ay doonayaan in hooyooyinkeenna ay siiyaan wax qiimo ahaan gaaraya 5 doolar oo qoraxda ay u istaajiyaan.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan magaalada Baladweyne uu ka bilawday barakac baahsan ka dib markii wabiga Shabeelle ee halkaasi mara uu ku soo fatahay magaalada, waxaana jira lacago gurmad ah oo loogu deeqay maamulka Hirshabeelle si ay u xakameeyaan fatahaadahaasi.

Halkaan ka dhageyso codka guddoomiyaha

Goobjoog News