U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Baxay Madaxweyne Deni

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha cusub ee gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa waxa uu si kulul uga jawaabay hadal dhowaan ka soo baxaya madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni kaasi oo ku aaddanaa in ganacsatada reer Puntland aysan wax badeeco ah u dirin deegaanno kale oo ka baxsan kuwa Puntland.

Guddoomiyaha cusub ee gobalka Hiiraan ayaa hoosta ka xariiqay in haddii maamulka Puntland aysan ka laaban hadalkaasi ay iyaguna ka bixin doonaan jawaab ku haboon hadalkaasi oo uu madaxweyne Deni ku fasiray in la beekhaaminayo raashinka yaal deegaannadooda.

Cali Jeyte Cusmaan ayaa waxaa uu ku hanjabay in ay canshuur xad dhaaf ah saari doonaan badeecada ay u iib geeyaan deegannada Puntland isaga oo ku goodiyay in tanagga yaanyada ah ay canshuuri doonaan lacag dhan 20 doolar, waxa uuna ka dhawaajiyay in aysan iyagu joojin doonaanin badeecahada ay halkaasi u diraan.

Lama oga halka uu sal dhigan doono khilaafkaan iminka soo kala dhexgalay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi deni iyo guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan, inkastoo wali aysan jirin hadallo ka soo baxay ganacsatada labada dhinac.

Goobjoog News