U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran oo Baaq U Diray Dowladda Federaalka Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee dalka haatanna ah guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu baaaq ku aaddan in gurmad degdeg ah loo fidiyo dadka uu saameynta ku yeeshay fataahadda u sameeyay wabiga Jubba u diray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa beesha caalamka iyo cidkasta oo wax haysata ugu baaqay inay gurmad la gaaraan dadkaasi isaga oo yiri “Waxaan ugu baaqayaa Dowladda, Ganacsatada, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in gurmad degdeg ah loo fidiyo, waa bil Ramadaan ee aan gacmaha isqabsanno walaalaheenna u gurmano”.

Dhanka kale guddoomiyaha madasha xisbiya qaran ayaa sheegay inuu muragada la qeybsanayo dadka ka barakacay deegaanno ka tirsan Jubbaland kuwaas oo ka cararay saameynta ka dhalatay fataahaada uu sameeyay wabiga Jubba oo deegaannadaasi mara.

“Waxaan murugada la qaybsanayaa shacabka ku barakacay daadadka ku dhuftay deegaanno ka tirsan Jubaland sida Baardheere, Madhawa iyo Jaziiradda Kudhaa” ayuu hadalkiiisa sii raaciyay Shariif sheikh Axmed.

Qaar badan oo kamid ah shacabka dagmada Baardheere ayaa guryohooda ka barakacay iyaga oo raadsaday goobo taag ah oo aysan biyuhu gaadhin hasayeeshee aysan ku haysanin wax gabaad ah oo ay roobabka wali da’aya ka galaan.

Shacabka dagmada Baardheere ayaa dalbanayo in loo fidiyo gurmad dagdag ah loona fidiyo taakulo si loo xakameeyo saamaynta ay fatahaadahan ku yeelan karaan noloshooda.

Goobjoog News