U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Marka: Waxaa Jira Degaanno Go’doonsan oo ay Tahay in Diyaarad Wax Loogu Geeyo

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha degmada Marka ee maamulka gobolka Shabeellaha hoose  Cabdullaahi Cali Axmed oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa ka hadlay xaalada fatahaadaha Webiga Shabeelle uu samaeynayo deegaanno badan oo gobolka shabaeellaha hoose, kuwaas oo wajahayo xaalada adag xiligaan, iyadoo hadda la gudo galayo xiliga Deyrta.

Guddoomiyaha waxaana uu xusay in xiligaan tuulooyin dhowr ah ay ka taagan tahay xaalad adag, kuwaas oo biyuhu aad u saameeyeen” Biyuhu waxaa ay ka soo kaceen Mareerey , laga soo bilaabo Sabiib iyo Caanoole ayaa laga soo barokacay, Baladul Amiin ayaa lagu dambeeyey, oo iyadana hadda uu webigu ku soo jabsaday, waxaana laga barakacay Ballow iyo  Malinka, Cabdow Dibille, Ilimow, Muuri, Fadamuus, Alyaasir Numbar 50 ayaa hadda la isugu tagay.haddii la yiraahdo waa la tirinaa waxaa ay kor u dhaafayaan 30 tuulo”ayuu yiri guddoomiyaha degmada Marka.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in xaaladda uu ku arkay fatahaadda webiga uu samaynaayo ay tahay mid aan la soo koobi karin, waxaana uu intaas ku daray in dadka ay awoodi waayeen in ay qaataan alaabta iyo hantidii ay lahaayeen, kuwaas oo ay l biyahu guryaha ugu tageen, waxaana sidoo kale baaba’ay dalagyo badadan.

” Waa aan meesha ku soo arkay wax aan meeshaan ku soo koobi karo ma ahan, qadarta Allah ayaa socda, Webigii oo soo fatahaayo oo soo butaacaayo ayaa halkaas si saf ah oo ballaaran u maray deegaanka ilimow iyo Muuri awalba waa laga barakacsanaa colaadihii iyo dagaaladii dhibaatadii hore oo ku dhacday ayaa dhib u geysatay oo inta badan waa ay burbuirsaneyd magaalada, laakiin ilmow waxaa uu ahaa meel aan laga barakin oo la degaa oo markii ay ugu yar tahay   umad 5000 -6000 ay degan tahay, waxaan ugu tagay tuuladii oo biyihii habaq siinaayaan” ayuu yuri.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa waxaa uu soo hadal qaaday khasaaraha fatahaadda webiga ay u gwysatay beerahii ku yaalay tuulooyinka biyihu ay harqiyeen, waxaana uu carabka ku biyaha webiga ay la tageen dalagyadii la beeray.

“Waxaaa taas barbar kacaayo beerihii baaxada weynaa oo dadku ay ku tiirsanaayeen, Go,aan si Aaran ah u baxay socda, laga soo bilaabo Cabdow Dibile Iligow la soo mariyo, beeraha Muuri, kuwa Numbar 50 oo biyuhu ay wada cadyihiin, beerihii laga soo tagay oo wax laga soo qaadan waayey ayaa barbar socda. Marka waxaan ku arka dhibaato baaxad weyne oo halkaan aanan ku koobi karin warbixinteeda iyo dad danyar ah oo dhibaataysan oo biyaha banaankooda taagan oo meel ay lu hoydaanna la, ayuu hadalkiisa ku yiri Cabdullaahi Cali Axmed.

Guddoomiyaha degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed ayaa sheegay in dadka danyarta ah aysan awoodin in ay ka ka talaaan biyaha, maadaama ay biyihu aad u badan yihiin oo aysan caruurta iyo dadka waareelka ah, waxaana uu diray baaq ku aadan in dadkaas loo gurmado oo laga soo saaro, maadaama biyaha webiga ay sii gordhayan waqigan .

“Maanta haddii loo gurmado oo gaadiid loo keeno meel loo soo mariyo ma lahan, waa in jaayga dhexdiisa loo dhigo oo ay ku qaataan mooyee meel ay ku qaataan ma lahan. Dad biyaha geli karo maahan oo biyuhu waxaa ay u qabanaayaan Luqmaha iyo wixii lamida,  meel Banii’aadam isaga gurman karo waa dhaafeen, waxaa ay u baahan tahay in diyaarado iyo awoodda la isugu geeyo”  ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Cabdullaahi Cali Axmed

In ka badan 100’000 ayaa ku barokacay fatahaado ka dhacay webiyada Shabeelle iyo Jubba ee dhaca Koonfurta Soomaaliya sida ay sheegeen hey’adaha arrimaha Banii’aadnimda.

Goobjoog News