U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Safiirka Ingiriiska oo Kulmay

Sheeko:Dalka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Ingriiska u qaabilsan dalkeenna marwo Kate Foster,waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada wadan iyo kaalinta dowladda Ingiriiska ee ku aadan gurmadka abaaraha daran ee ka jira qeybo badan oo dalka ka mid ah.
Danjire Kate Foster ayaa marka hore Guddoomiyaha la wadaagtay sida dowladda Ingiriiska ay uga go’antahay wax ka qabashada Abaaraha iyo in ay si buuxda u taageerto tababarada howlwadeenada baarlamaanka jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, xilligaan dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan abaaro kale duwan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dhankiisa boggaadiyay dedaalada dowladda Ingriiska ay ku taageerayso Baarlamaanka JFS, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, waxaana uu ahmiyada kowaad siiyay sidii wax badan looga qaban lahaa Abaaraha soo noqnoqday ee ka jira gobolo badan oo Dalka ka mid ah.
Goobjoog News