U bood dhigaalka

Guddoomiye Abshir Axmed Oo Shirkadda Spectrum Geo Ku Eedeeyey Marin Habaabin Sharciyeed

Sheeko:Dalka

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray  Shirkadda Spectrum Geo, kadib markii ay boggeeda rasmiga ku baahisay in sharciga Batroolka uu ansixiyey baarlamaanka federaalka ah isla markaana uu saxiixay madaxweynaha JF. Arrintaas waxaa Senator-ka ku tilmaamay marin habaabin sharciyeed.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso Qoraalka Guddoomiye Abshir Axmed:

Shirkadda Spectrum Geo waxa ay boggeeda rasmiga ku daabacday 30 May 2019 qormo ka soo horjeeda dastuurka dalka sida aad ka heli karto lifaaqan https://bit.ly/2Wa8HsP. Qormadaas oo ay cinwaan uga dhigtay Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ansixiyay Sharciga Batroolka (Somalia’s Parliament Approves Petroleum Law Legislation). Qoraalka waxaa kale oo ay ku sheegtay in Hindise Sharciyeedka Batroolka uu sugayo oo kaliya saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Haddaba, si loo ogaado marin habowga sharciyeed ee Shirkada Spectrum Geo ay ku faafisay boggeeda waxaan halkan kula wadaagayaa Dadweynaha Soomaaliyeed habraaca dastuuriga ah ee ay tahay in xeer dejinta Dalku ay marto ka hor inta uusan noqon hindise sharciyeed kastaa sharci dhaqangal ah.

Marka hore, awoodda xeer dejinta Dalka waxaa u xilsaaran labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ku cad Qod.55aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu ka kooban yahay labo gole oo kala ah:

  1. Golaha Shacabka
  2. Golaha Aqalka Sare

Madaxa Afaraad (Qod.79aad – Qod.86aad) ee Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah wuxuu xeerinayaa dhammaan tallaabooyinka loo baahan yahay in sharci kasta oo qabyo ah uu maro si uu noqdo sharciga dalka.

Nuxurka tallaabooyinkaas waa sida hoos ku qoran:

  1. In sharci kasta oo qabyo ah ee la horkeeno mid ka mid ah labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu maro golaha kale ee Baarlamaanka Federaalka iyada oo la raacayo habraaca dastuuriga ah oo si faahfaahsan loogu qeexay Qod.82aad iyo Qod.83aad ee Dastuurka KMG ah.
  2. In nuqulka kama dambeysta ah ee ay meel mariyeen labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.90aad(f) ee Dastuurka KMG ah; si uu uga dhigo SHARCI dhaqangal ah.
  3. In nuqulka uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.85aad ee Dastuurka KMG ah.

Sidaas darteed, Sharciga Batroolka ee ay ka hadashay Shirkadda Spectrum Geo waxaa ansixiyay oo kaliya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka waxaana loo soo gudbin doonaa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya; si uu uga guto waajibkiisa dastuuriga una dhammeystiro habraaca dastuuriga ah ee kor ku xusan.

Ugu dambeyntii, waxaan u soo jeedinayaa Shirkadda Spectrum Geo in ay dib u saxdo qormada ay ku faafisay boggeeda rasmiga ah, aniga oo ugu baaqaya in ay ilaaliso sharciga Dalka u yaal ayna ka fogaato tallaabooyinka ka hor imaanaya sharciga Dalka. Sidoo kale, waxaan kula talinayaa Shirkadda in ay ka feejignaato qoraallada noocaan ah ee baalmarsan habraaca sharcidejinta Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir