U bood dhigaalka

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Shacabka Ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul Adxa

Sheeko:Dalka
Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu ugu hambalyaynayaa shacabka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta barakaysan ee Ciidda Carafo sanadka 1443Hijriga, guddoomiyaha ayaa u duceeyay shacabka Soomalaiyeed.
Guddoomiyaha ayaa ugu baaqayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo ay garab istaagaan walaalohooda danyarta ah, ee aan heli karin wax ay ku ciidaan; si ay farxadda ula dareemaan walaalahooda kale ee Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta adduunka.
Gudoomiye Cabdi Xaashi wuxuu Alle uga baryay shacabka Soomaaliyeed in ay helaan oo ay ku nagaadaan nabad, barwaaqo, horumar iyo caafimaad, waxaana sidoo kale uugu baaqay dadka wax haysta in ay taageeraan walaalaha Soomaaliyeed ee danta yar ee aan awoodin ka qeyb galka munaasabadaha ciida.
Goobjoog News