U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo balan qaad u sameeyay Dr Xabeeb

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), oo maanta xaruntiisa ku booqday Dr. Cabdiraxmaan Xasan Cawaale oo loo yaqaanno Dr Xabeeb, ayaa kaga mahadceliyay mudadii uu dadka Soomaaliyeed uu u shaqeeynayay iyo howlahii uu u qabtay.

Dr. Xabeeb ayaa maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, waxaana dhawaan uu bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in xaaladdiisa caafimaad ay la tacaalaan.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in uu Dr. Cabdiraxmaan Xasan Cawaale, uu u balan qaadayo in uu juhdi iyo dadaal ku bixin doono sidii xaaladdiisa caafimaad ay u soo hagaagi lahayd.

“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Dr. Xabeeb ku amaanay dadaalka iyo juhdiga uu ku bixiyay in xaruntiisa uu ku daweeyo boqolaal soomaali ah oo xanuunka dhimirka la il-daran. Asigoona dhinaca kale xusay in uu gacan ka geysan doonno sidii uu Dr. Xabeeb u heli lahaa daryeel caafimaad,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay maamulka Gobalka Banaadir.
Dr Xabeeb, waxa uu doorwayn ka qaatay daryeelka iyo u gurmashada dadka uu haleelo xunuunada dhimirka ku dhaca, howlahaas oo uu ka shaqeynayay 40-kii sano ee la soo dhaafay, waxa uuna kamid yahay shaqsiyaadka aqoontooda u huray dadkooda.
Goobjoog News