U bood dhigaalka

Guddoomiye Madoobe oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Xildhibaan Afaraale

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, ehelada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allah u Naxriistee Xildhibaan hore Maxamed Isaaq Xuseen-Afaraale.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Mohamed Hussein Isaq (Afaraale) oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.”
Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay inuu marxuumka ka mid ahaa mudaneyaasha Golaha Shacabka BJFS ilaa shirkii Imbagaati, isagoo soo noqday Guddoomiyihii Dgmada Tiyeeglow waqtigii dowladii dhexe, burburkii dalka wuxuu kaalin wayn ka qaatay nabadeenta dadka iyo deegaanka. Guddoomiyaha ayaa marxuum ka ku sifeeyay inuu ahaa muwaadin qarankiisa ugu soo adeegay si daacad ah, door wanaagsanna ka qaatay dowladnimada Soomaaliya.
Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryay in uu janadiisa ka waraabiyo, ehelkiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed inuu samir iyo iimaanna ka siiyo.
Goobjoog News