U bood dhigaalka

Guddoomiye Mursal , Laftagareen iyo Waare oo ka wada hadlay shirka maalintii afaraad ka socda Muqdisho

Sheeko:War

Hoggaamiyaasha Maamul- Goboleedyada ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo siyaasadeed  ka wada magaalada Muqdisho kuwaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay ka wada hadleen mira – dhalka shirka ka socda Muqdisho.

Waare iyo Laftagareen ayaa iyo Mursal ayaa sidoo kale waxa ay kulankooda ku soo hadal qaadeen hormarka labada maamul ay sameeyeen tan iyo markii la magacaabay.

Si la mid ah madaxda maamul goboleedyada Puntland , Jubbaland iyo Galmudug  ayaa  dhankooda kulamadan oo kale la qaadanaya  dhinacyada siyaasadda.

Maalintii  afaraad ayaa Muqdisho waxa ka soconaya shirka looga tashanayo doorashooyinka, kaas oo u dhaxeeya madaxweyne Faramaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Goobjoog News