U bood dhigaalka

Guddoomiyeha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Isimada Gobollada SSC

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku sodhaweeyey Qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag oo maalmahaan Muqdisho ku sugnaa.

Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan,waxaana looga hadlay Xaalada Laascaanood,ugurmashada shacabka dhibtaada ka soo gartay colaadaas,iyo ka shaqeynta Nabadda , wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

Isimada Dhaqanka ayaa Dhankooda, Hay’adda Maareynta uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaana ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka ee ka dhashay dagaalka.

 

Goobjoog News