U bood dhigaalka

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo Muqdisho Tababbar ka Furtay

Sheeko:Dalka
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa  Muqdisho ka furay tababar soconaya muddo labo cisho, kaa oo fahan ka siinaya shirkadaha ka howlgalka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isbeddellada sharci iyo habraacayada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
Tababarka waxaa goobjoog u ahaa wakiillo kale duwan ka socda hay’adaha ammaanka ee garoonka Aadan Cadde, shirkadaha diyaaradaha iyo la howlgashaa kale ee hay’adaha Qaramada Midoobay, waxaana tabarka inta uu socdo ay ku baran doonaa duruus kale duwan oo ku aadan hey’adda  iyo shaqooyin kale duwan.
“ Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay dhammeystirtay shuruucda iyo habraacayada aasaaska u ah hannaanka maamulka ,amniga iyo bedqabka, si wadajir ah loogu fuliyo, wuxuu tababarkan fahan iyo sharraxaad idin ka siinayaa hannaanka ay tahay in loo wada shaqeeyo.” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee HDRS, Mudane Axmed Macallin.
Tan iyo la soo wareegida maamulka hawada, waxay si dardar leh Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed u dhammeystiray dhammaan shuruudaha aasaaska ah , iyadoo sidoo kale muddo kooban lagu gaaray hannaanka maamulka Hawada in la gaarsiiyo heerka ugu sarreeya (Class A).
Goobjoog News