U bood dhigaalka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo Gargaar Gaarsiisay Magaalada Xudur

Sheeko:Dalka
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hugaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Xudur ee  Gobolka Bakool oo uu dhawaan ka da’ay Roob xoogan oo dhamaan xiray isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga qeybo kamid ah xafadaha Magaaladaas taas oo sameen ku yeelatay dadka dantayar ee ku nool halkaas.
Wafdiga Guddoomiyaha waxaa qeyb ka ahaa wasiirka gargaarka maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush,waxaana halkaas ku soodhaweeyey Maamulka Degmada Xudur iyo golaha deegaanka Magalaadas, iyaga oo kormeer ku sameeyay goobaha uu saameeyay Roobka, kaas oo si daran u saameeyay dadka kasoo barakacay abaaraha iyo dagallada Al-shabaab ee Bokool.
Guddoomiyaha oo halkaas gaarsiiyey diyaarad wada shixnad mucaawino ah oo dhan 7-tan ayaa u kuur galay saameenta xafadaha uu biyaha Roobka kala xiray isaga oo dadka deegaanka oo xafadahooda biyaha dhex jiifan mid mid u tulgay kana wareestay xaaladaha ay haaatan wajahayaan, magaalada ayaa waxaa ka jira walaac ay ka qabaan bulshada Roobka inuu soo Rogo Daadad.
Goobjoog News