U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo Gargaar Ka Qeybiyay Degmada Cabdicasiis

Sheeko:Dalka

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA oo gacan ka helaysa Hay’adda gargarka bin’aadanimada u qaabilsan ee dowladda sacuudiga ee Boqor salaam ayaa maanta 800 Qoys waxa ay Gargaar ugu qeybiyeen gudaha xarunta degmada Abdicasiis Ee Gobolka Banaadir kuwaas oo iskugu jiray dad danyar ah iyo kuwa qaba baahiyaha gaarka ah.

Mashruucaan oo ah Wajiga seddexaad Gurmadka Degdega ah waxaa qeyb ahaan fulinaysa hay’adda tadaamun kaas oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen

Gargaarka la gaarsiiyey qoysaskaan ayaa iskugu jira qeybaha kala duwan ee raashinka waxaana loogu talagalay in ay ku afuraan madaama lagu guda jiro 10ka danbe ee Bisha bareakaysan ee Ramadaan.

Hay’adda SODMA ayaa maalmihii ugu dambeeyay raashiin qeybin ka waday degaanno iyo degmooyin ka dhaca koontur iyo bartamaha dalka, kuwaas oo dhowaan laga saaray Ururka Al Shabaab.

Rashiin qeybtin ayaa goobaha laga sameeyay waxaa ka mid ah Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool iyo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku dhufteen daadad xoogan oo ka dhashay roobab ka da’ay labadasi Gobol.

Hay’adda waxay sidoo kale raashiin qeyb ka sameysay degaanno kale oo ka tirsan Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan goobaha laga xorreeyay Uruka Al Shabaab.

Guddoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle oo dhawaan booqasho ku gaaray Gobollada Bakool iyo Gedo ayaa ballan qaaday in aysan indha ka laabsan doonin qoysaska uu saameeyay daadadkii halkaasi ku dhuftay.

Xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa laga dareemayaa mashquul aad badan, maadaama Hay’addu ay wado gurmashada Shacabka ku dhaqan degaannada laga xorreeyay Al Shabaab iyo sidoo kale shacabkii ku waxyeeloobay colaada weli ka aloosan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Goobjoog News