U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo soo saartay digniino su aadan Roobabka la filayo

Sheeko:Dalka

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka dowladda federalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniino ku aadan Roobabka la filayo in ay dalka ka da’aan Todobaadka sedexaad ee bisha November 2022 inta lagu jiro 15-ka bisha ilaa 20-ka.

Hey’addu waxaa ay sheegtay in Todobaadkaan ay Roobab ka di’idoonaan gobollada Waqooyi Bari iyo gobollada dhaca Koonfurta Soomaaliya, iyadoo  xustay in haddii sida la rabo ay u da’aan ay sababi karaan khatarro fatahaado ah.

Gobollada Bari Bokool, Hiiraan, Shabeellaha dhexe, Shabeellaha hoose, jubbada hoose  iyo Mudug ayaa waxaa la muujinayaa in ay dhalin karaan Fatahaado ay sameeyaan Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo mara qaar kamid ah gobollada dalka.

Soomaaliya xilligaan waxaa ka jira Abaar baahsan gobollada qaar oo weli ay muuqato saameynta ay reebtay, kuwaas oo ka dhashay isbedelka Cimilada, Roobabka ayaa ahaa kuwa aad u yar afar xilli oo lasoo dhaafay oo sidii la rabay noqon.

Goobjoog News