U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo Gargaar u Dirtay Magaalada Baraawe

Sheeko:Dalka
Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa Maanta deegaan xeebeedka Jasiira ee duleedka Magalada Muqdisho ka dirtay seddax Doonyood oo sida Shixnad Mucaawino ah taas oo ku wajahan Magaalada Baraawe ee Caasimada Maamulka KGS.
Gargaarkaan ayaa waxaa ay hey’addu sheegtay in loogu talogalay dadka Soomaliyeed ay soo barakaciyeen iyo kuwa ay saameynta ku yeelatay abaarta, Hay’ adda SODMA ayaa dowladda Istugga Imaaradka Carabta kaga Mahadcelisay deeqdaan raashinka gargaarka ah.
Mana ahan markii ugu horeysay ee gargaar nuucaan ah loo diro Gobolka Shabeelada Hoose, waxaana xusid mudan in Hay’adda maaraynta Musiibooyinka ay wado walba ku gaarsiinayso gargaarka dadka Soomaaliyeed ee u baahan, kuwaas oo abaarta iyo dagalladu saameeyeen.