U bood dhigaalka

Hiiraan: Wabiga Shabeelle oo Ku Fatahay Magaalada Baladweyne iyo Barakac Halkaasi Ka Bilawday

Sheeko:Dalka

Wararka aynu ka heleyno magalada Baladweeyne ee xurunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya Wabiga Shabeelle oo maalmihi la soo dhaafay waday biyo aad ufarabadan in uu  maanta ku fatahay xaafado ka mid ah magalada Baladweyn.

Biyaha wabiga ayaa galay xaafadaha magaalada qaarkood, dad badan ayaana isaga barakacay guryahooda kadib markii ay biyo buux dhaafiyeen halkaasi.

Dadaalo lagu doonayay in looga hortago fatahaada wabiga Shabelle oo ay iska kaashanayaan  Maamulka Hirshabelle iyo dowlada federaalka ayaa ka  socda gudaha magalada si looga baajiyo in ay khasaaro lixaad leh geysan.

Maamulka Hirshabeelle ayaa la gaarsiiyay lacago meelo kala duwan uga yimid kuwaas oo loogu talagalay inay kula tacaalaan fataahada wabiga Shabeelle mana jirto ilaa haatan waxqabad muuqda oo lacagahaasi lagu sameeyay.

Sanadkasta wabiga Shabeelle ayaa ku fataha meelaha uu ka maro goballada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe waxaana xusid mudan in sanadkii la soo dhaafay uu khasaaro xoggan ka geytay goballadaasi.

Goobjoog News