U bood dhigaalka

Hirshabeelle oo Soo Dhoweysay Go’aankii Ka Soo Yeeray Golaha Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Dowlad  goboleedka Hirshabeelle ayaa soo dhoweysay go’aankii ay soo saareen guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare islamarkana y guddigaasi ku sheegeen inay soo saari doonaan guddi ka shaqeeya isu keenidda madaxda dowladda iyo kuwa xubnaha ka ah.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Hirshabelle ayey ku sheegtay inay soo dhoweynayso fikirkaas oo ay u aragto inuu yahay mid saliim ah waxa ayna tilmaameen in loo baahanyhay in shacabka loo turo.

Marka laga yimaado madasha xisbiyada qaran waa maamulkii saddexaad ee soo dhoweeya go’aanka ka soo baxay aqalka sare ee isgu jira in guddi loo saaro isku imaatinka madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada iyo arrimo ku saabsan doorashooyinka qaranka.

Halkan ka akhriso waesaxaafadeedka

No photo description available.

Goobjoog News