U bood dhigaalka

Hoos u Dhac Ku Yimid Kiisaska Coronavirus ee Deegaannada Puntland

Sheeko:Dalka

Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland  ayaa sheegtay in hoos u dhac uu ku yimid kiisaska COVID-19 ee laga helayo deegaannada maamulkaasi ka dib baaritaanno la sameeyay.

Wasaaradda ayaa xustay in tirade guud ee haatan xanuunka laga helay ay mareyso 178 ruux iyada oo sheegtay in xanuunka maanta laga helay 8 ruux oo kaliya taas oo ka dhigeysa inay hoos u dhacday tirade dadka uu soo ridanayo xanuunkan safmarka ah.

“Waxaa la baaray 87 Ruux waxaana laga helay 8 qof xanuunka Covid19, waxaa udhintay 1 qof. Tirada dadka laga helay COVID-19 ee Puntland ayaa maraysa 178 ruux, waxaana hoos ugu dhacday dadka xanuunka laga helayo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxaya wasaaradda caafimaadka Puntland.

Maamulka Deni ayaa horey u soo saaray awaamiir looga baaqsanayo faafitaanka safmarka COVID-19 oo ay ka midyihiin bandow habeenkii ah, joojinta qaadka iyo in la xiro goobaha waxbarashada iyo masaajidda lagu cibaadeysto.

Wasaaradda caafimaadka maamulka Puntland ayaa wali ka wada deegaanada maamulkaas wacyigalinta bulshada iyo sidii bulshada loola wadaagi lahaa xanuunka iyo saamaynta uu yeelan karo inkastoo haatan la dareemayo hoos u dhac maaadaama magaalada Muqdishana uu ku yimid hoos u dhac la xiriira COVID-19.

Image may contain: one or more people

Goobjoog News