U bood dhigaalka

Hormuud iyo Salaam Bank oo Deeq Gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Isbitaal Martiini.

Sheeko:Dalka

Hormuud Foundation oo sanad walba marka la gaaro bisha barakeysan boqata xarunta xabsiga dhexe waxay geysaa deeq mucaawino ah oo ay ugu talagaleen maxabiista xabsiga ku jirta in ay fadliga bisha barakeysan ee ramadaan uga faa’ideystaan.

Deeqdaan oo isugu jirta Bur Bariis, baasto, Sokor, Saliid, Caleen shaah, Cabitaan, Timid iyo 5-Neef oo Geel ah, waxaa kaloo Hormuud ay maxaabiista siisay dhar ay ugu tala gashay inay ku ciidaan maalin Ciida.

xubno ka tirsan Hormuud Foundation iyo Salaam Somali Bank ayaa si wada jir ah u tagay xarunta xabsiga dhexe halkaasi oo taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed ay sida wada jir ah ugu wareejiyeen,deeqda ay xasbiga dhexe geeyeen.

Cabdullaahi nuur Cismaan Gudoomiyaha hormud Foundation ayaa faahfaahin ka bixiyay deeqda maanta ay gaarsiiyeen xabsiga dhexe ee xamar.

Maryan Aamiin Awies oo ka socotay Xafiiska Raysalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka  hadashay ahmiyada ay ka dhigan tahay deqdan ay maxaabista xabsiga ee muqdisho maanta gaarsiiyeen.

Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ad ugu mahad celiyay madaxda shirkadda hormuud qeybaheeda kale duwan sida ay u garteen in fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan Awgeed deeqdan u gaarsiiyaan maxaabiista xabsiga dhexe ee Xamar.

Dhanka kale Hay’adda Hormuud Fondation ayaa ciidamada naafada ah  xooga dalka soomaaliyeed gudoonsiisay deeq isugu jirta Lacag cash ah iyo Timir, waxaana Gudoomiyaha hormuud foundation cabdullaahi Nuur cismaan uu sheegay in deeqda ay kakoobantahay 5.000 (shan kun oo doolarka mareekanka) ah iyo 50 kartoon oo timir ah.

waxaa deeqdaasi u gudoomay Ciidamada Naafada ah ee ku jira Isbitaalka Martiini afhayeenka Ciidamada naafada oo hay’ada hormuud foundation kaga mahad celiyay taageerada ay lagarab taaganyihiin dadka danta ayar mar walba.

Halkaan ka daawo Sawirrada

Goobjoog News