U bood dhigaalka

Hormuud Telecom Foundation oo Maanta Deeq Gaarsiisay Qoysas Danyar Ah

Sheeko:Dalka

Deeqdan ayaa Hay’adda Hormuud Telecom Foundation waxay maanta u qeybisay, ilaa 10kun qoys oo ka mid ah Qoysaska  Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho gaar ahaan degaanka km-13

Qeybinta Deeqdan ayaa waxay horudhac u tahay Barnaamijka Taakuleynta Dadka danyar ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay Caawinaada u sameyso Hay’adda Hormuud Telecom Foundation.

Sidoo kale Hay’adda Hormuud telecom foundation ayaa deeqdan waxay ugu talagashay in ay ka faa’ideystaan Dadka nugul ee aan awoodin inay helaan waxyaabaha Aas Aasiga ah ee nolosha looga maarmin.

Qaar ka mid ah Dadka la siiyay deeqdan oo la hadlay warbaahinta ayaa u mahad celiyay Madaxda ugu sareysay Hay’adda Hormuud telecom foundation iyagoo sheegay in qeybinta deeqdan lagu soo beegay xiligii ay u baahnaayeen Madaama ay ku jiraan Diyaargarowga Fadliga Bisha Barakeysan oo Fooda nagu soo heysa.

Cabdulahi Nuur Cismaan  Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Foundation ayaa warbaahinta u sheegay in barnaamijkan uu daah fur u yahay Deeq noocaan oo kale oo maalmahan soo socda la siin doono dadka u baahan gar gaarka

Sidoo kale Gudoomiyaha Hay’adda Hormud Foundation waxaa uu sheegay in kaalmooyinka noocaan ah ay ugu talagaleen dadka soomaaliyeed in ay si weyn uga faa’ideystaan Gudashada Fadliga Bisha barakeysan ee Ramadaan

Sanad Walba Marka la gaaro bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa sidan oo kale Hay’adda hormuud Foundation waxay Caawinaad u sameysa dadka Somaaliyeed ee ku nool guud ahaan gobolada Dalka oo dhan.

halkaan ka daawo sawirrada

Goobjoog News