Horumarinta Maaliyadda Soomaaliya Oo Laga Shirayo
Sheeko:Dalka
Shir looga hadlaayo horumarinta Maaliyadda Dalka ,isla markaana ay ka qeybgaleen Wasaaradda Maaliyadda Dowladda FS iyo kan dowlad goboleedyada ayaa manta ka furmay magaalada Kambaala ee dalka Yugaandha.
Shirkaan oo sidoo kale ay ka qeybgalayaan maamulka Gobolka Banaadir,waxaaa mudada uu socdo loga hadlayaa sidii loo mideyn lahaa shuruucda lagu hagayo dhaqaalaha Dalka.
Dhinaca kale madaxda Somaalliya ayaa u mahadceliyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Kampala oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay wafdigaasi uu hoggaaminaayo Wasiirka Maaliyadda DFS, C/raxmaan Ducaale Bayle.