U bood dhigaalka

Ilhaan Cumar: Waan Guuleysannay!

Sheeko:Dalka

Xildhibaanka Congress-ka Mareykanka Ilhaan Cumar ayaa axaddii heshay taageerada DFL si uga qeyb gasho Doorashada Horudhaca ah ee August 11 ee kursiga xisbiga dimoqoraadiga ee Congress-ka ku leeyhiin Minneapolis.

Marwo Ilhaan Cumar waxaa lagu wadaa in tartan ku saabsan cidda matali-doonta 5th District la geli-doontaa Antone Melton-Meaux oo ku soo caanbaxay inuu Ilhaan uun wax ka sheego.

Codbixinta ay sameeyeen DFL ayaa u dhacday qaab Online ah, waxayna socotay muddo sagaal maalin ah.

“Waan guukeysanay, waxaan ka mahadcelinayaa taageeradiina, ololaheenna waxaa ay damacsantahay in ay hesho codbixiyeyaal iyo dhismaha xamaasad oo baahidu yahay in codbixiyeyaasha u soo baxaan iyo in laga adkaado Donald Trump.  Wadajir ayaan uga adkaan karnaa xisbiga jamhuuriga oo weliba Minnesota sii ahaan kartaa blue”. Ayey tiri Ilhaan Cumar.

Ilhaan Cumar ayaa ka mid ah xildhibaannada fara ku-tiriska ah ee si dhaqso ah loogu bartay shaqadeeda Congress-ka iyada oo codkarnimadeeda iyo kartideeda uu ka cabsado Donald Trump, waxayna si joogta ah u difaacdaa Islaamka, dadka madow, muhaajiriinta, xuquuqda dadka saboolka ah iyo guud ahaan xuquuqda aadanaha.

Goobjoog News