Isbadalka Awoodda Caalamka Karona Fayras Kadib

Fayrasloogu magac daray “COVID-19” wuxuu December sanadkii tagay ka soo bilawday dalka Shiinaha gaar ahaan magaalada Wuhan oo dhacda bartamaha dalkaas. Fayraska oo bilawgii hore dawlada Shiinuhu qarisay illaauu faraheeda kabaxay ayaa muddo kooban gudaheed wuxuu ku faafay dalalka caalamka badankood. Waxayna kow iyo tabankii bishii tagtay ee Maarso (11/03/2020) Hayadda Caafimaadka Adduunka (WHO) u aqoonsatay in uu yahay Safmar (Pandemic). Haddaba doodda ku aadan xanuunka laftiisa mid aan ka yarayn oo ku saabsan Karoona kabdib (Post-COVID-19) sida isud-qaab-dhismeedka hogaanka iyo awoodaha caalamku noqon doonaan, ayaa waxaa ku mashquulsan aqoonyahankakufaraha dhuuban adaroosidda siyaasadaha caalamiga ah iyo istiraatiijiyadaha. Waxaa la, isku raacsan yahay in Isbaddal laxaadle dhici doono marka loo kuuurgalo sida caalamku ukala qoqobmay, saamaynta dhaqaale ee xun, cabsida iyo argagax fayrsaku keenay.

Marka dib loo milicsado tagtada musiibooyinka waawayn ee dunida soo maray, waxaa soo baxaysa inay hordhac u ahaayeen isbaddalku yimaada qaab dhismeedka caalamka iyo cidda hogaanka u haysa, isbaddalladaas oo mararka qaar si dhakhso ah u dhamaystirmayay, xilliyada  qaarna si gaabis ah oo tartiib ah. Si kaduwan dagaalada oo horseeda badanaa isbaddalo wakhti kooban ku dhaca, musiibooyinka dabiiciga ah waxay horseedaan isbaddal wakhti qaatta lkn saamayn aan ku yeelan oo kaliya qaab dhismeedka dhaqaale iyo millatarin lkn sidoo kale saamayn xoogle ku yeesha hab fakkarka bulshada,  waxay rumaysan yihiin, sida ay naftooda iyo caalamkaba u arkaan. Dhanka kale aafooyinku  waxay soo saaraan aragtiyo ama awoodo markii hore aan muuqan ama lagarab-bidixayn jiray, waxayna qiime tiraan aragtiyadii iyo walxihii hore ee soo jiray wakhtiga dheer.

Hoos-udhaca Kaalintii Maraykanka

Haddaba doodahaatan taagan waxay ku biyo shubanaysaa, Fayraska COVID-19kagadaal sidee noqon doonaa caalamku? Cidde ka samata bixi doontadhaqaale ahaan iyo sumcad ahaanba?. Waxaa Is-barbardhig lagu samaynayaa Reergalbeed ama Caalamka Xorta ah (Free World) oo Maraykanku todobaatankii sano ee udambeeyay hogaaminayayiyo Shiinaha oo ah dalka tartanka dhaqaale maraykan kula jira ahna dalka labaad ee caalamka ugu dhaqaale kuusan.

Kadib sanadihii sagaashadaamka oo ahaa sanadaha maraykanku uu caalamka sifiican uga taliyay wuxuu rabana ka sameeyay, weeraradii lagu qaaday 2001 ee Alqaaida ay sheegatay waxay Maraykanka u horseedeen in uu galo dagaal loogu magac daray ladagaalanka Argagixisada (War on Terror) oo marmarsiiyo looga dhigtay duulaankii lagu qaaday Afgaanitan iyo Ciraaq, waxaa intaas u sii dheeraa hawlo qarsoodi ah oo caalamka meelo kala duwan kafuliyeen sirdoonka Maraykanku. Dagaaadaas iyo Hawlaha qarsoodiga ee Maraykanku waday waxaa ku baxday lacag aad u fara badan oo culays ku keentay dhaqaalaha Maraykanka. Sidaas si ka duwan dalka Shiinuhu wuxuu mudadaas dhisay dhaqaale xoog badan oo tartan lagali kara Marayka. Wadanka Ruushka ayaa isna xilligaas uu Maraykanku mashquulsanaa kor usoo kacay isaga oo ka faaiidaysanaya sii jeedka Maraykanka iyo sicirka shidaalka oo fiicnaa. Ruushka waxaa u hirgashay in weerar qaawan ku qaado dalal xulufo la,ahaa Maraykanka iyo Reer galbeedka sida Joorjiya iyo Ukrayn.

Barak Obama markii loo doortay madaxnimada Maraykanka wuxuu kusoo aaday hoos udhicii dhaqaale ee caalamka qabsaday 2008 Maraykankuna barbilawga u ahaa. Si looga soo kabto dabaca dhaqaale, wuxuu ku khasbanaa in Marayknku dib-ugurasho ka sameeyo meelo badan oo caalamka ah, taasoo keentay in dalal kale ay buuxiyaan kaalinti Maraykanku banneeyay. Arintaan waxay keentay in meelo badan oo caalamka ah dagaalo ka huraan cid damisana la waayo, taa baddalkeeda waxaa ka faaiidaystay awoodo kale oo u hammuunaa in ay isa soo saaraan, waxayna uga sii dareen khalkhalkii jiray maadaama aysan awood u yeelan in ay soo afmeeraan qulqulatooyinka.

Dib-ugurashada Maraykanku waxay meel sare gaadhay kadib markii Donuld Trump loo doortay madaxwaynaha Maraykanka. Trump wuxuu dagaal lagalay caalamkii ka dhashay heshiiskii “Bretton Woods”  ee salka loogu dhigay nidaamka dhaqaale-lacageed ee caalamka, isagoo ku timaamay mid aan sii shaqayn karin.Wuxuu saxiixay canshuur aad ubadan oo lagu soo rogay badeecada katimaada Shiinaha iyo dalal kale oo daris la ah Maraykanka, wuxuuna dib usoo celiyay shirkadihii markaynka ee ka hawl gali jiray Shiinaha isagoo ku doodaya in ay jirto Isu dheelitirnaan la,aan ee ganacsiga labada dal (Trade Imbalance). Wuxuu dagaal adag lagalay shirkadaha Tiknoolajiyada ee Shiinaha  isagoo ku eedeeyay xatooyo tiknoolajiyaeed iyo bassaasnimo, lkn waxaa la ruamaysan yahay in Maraykanku dareemay Khatarta ah, in Shiinuhu ku dhawyahay in uu kula tartamo Maraykanka Tiknoolajiyada Jiilka Shanaad(G5) oo Shiinaha u suurtagalin doonta in ay tartan khattar galiyaan kaalinta Maraykanka.

Dagaalka Maraykanka ee kadhanka ah Carro-Edegaynta “Globalization” waxay hoos udhac ku yimaada kobaca dhaqaalaha caalamka.

Karonay Fayras Kadib iyo Hogaaminta Caalamka

Karona FayrasooCarro-Edegayn caalamka isu furan “globalization”ku dhalay wuxuu dharbaaxo wayn ku dhuftay isla nidaamkii dhalay. Waxaa is-taagay isu socodkii dadka, rasalmaalka iyo badeecadihii wakhtiga kooban ukala gooshi jiray dunida daafaheeda, tiknoolajiyadda casriga iyo internetka xawaarihiisu sareeyana udub-dhexaad u ahaayeen. Waxaan shakki ku jirin in dhaqaalaha caalamka marxalad fadhiid ah waajihi doono, malaayiin qof hantidoodii waayi doonaan, shaqo la,aan tuna cirka isku shareeri doonto.Waxaa laa saadaalinayaa in hoos udhaca dhaqaale uu keeno qulqulatooyin bulsho, amni darro iyo in dawladuhu ka gaabiyaan daboolidda baahiyaha muwaadiniintooda.

Waxaa mufakkiriin badan rumaysan yihiin inİsir-nacaybka(Racism), soo galooti nacaybka (xenophobia) iyo xagjirka qawmiyadeed (Nationalism)aad kor ugu kici doonaan gaar ahaan dalalka reer galbeedka. Waxaana suuq ballaaran heli doonta taageerada nidaamka kaligii taliska ah (Authoreterian Regime).Yuval Harari maqaal uu ku qoray Financial Times wuxuu cabsi wayn ka muujiyay in kaligii-talisnimada iyo ku xadgudubka arimaha gaarka ah eed dadka (Violation of privacy)  ay aad u xoogaysan doonto, isagoo ka digaya in tiknoolajiyada lagula soconayo dadka (Biometric Surveilance) ee usuurtagalinaysa dawladuhu in ay qofka qandhada jirkiisa  la socdaan iyo waliba dadka uu la xiriiray ama usoo dhawaaday loo adeegsan doono dano-siyaasadeed oo lagu xakamaynayo ama lagu saamaynayo rabitaanka iyo aragtiyada dadka dadka.

Waxa indheer-garad badan ku qanacsanhyihiin in Fayraska(COVID-19) kadib, hogaanka caalamka isbaddal ku dhici doono. İs baddalkaas waxaa udub dhexaad u noqon doona barattan u dhaxeeya Maraykan iyo Shiinaha. Waxaa la rumaysan yahay in Maraykanku ahaan doono laacib kamid ah kuwa dajiya siyaasadda caalamka oo kaliya lkn ay ku soo biiri doonaan laacbiin kale oo Shiinuhu ugu horeeyo. Maadaama ay adagtahay in dalkale buuxiyo kaalintii Maraykanka ee ku-kilinimada talada caalamka (Unipolar World Order) waxaa la filayaaa samaysanka caalam madaxyo badan (Bipolar World Order)oo Maraykanka iyo Shiinuhu hogaaminayaan, dalal kale oo kuwa hormaray iyo kuwa soo koraya kamid ahna ay saamayn lixaadle ku leeyihiin.

Dhib iyo Dheef

Haddaba nidaamka caalamiga ah ee lafilayo in uu samaysmo ee madaxda-badan (Bipolar World Order)  dhib iyo dheef ba waa uleeyahay xassiloodina caalamka. Waxaan shakki ku jirin in dalal badan ay ku dhibbanaayeen caalamka halka madax leh (Unipolar World Order) ee Maraykanku hor kacayay. waxaa dusha laga saaray laguna khasbay siyaasado dhaqaale iyo bulsho aysan dani ugu jirin iyada oo la adeegsanayo Bankiga Aduunka (WB) iyo Hayadda lacagta adduunka (IMF) oo labaduba nidaamka Maraykanku hogaamiyo u adeega.

Dalalku waxay u qaybsami doonaan labo; Dalal soo koo koraya “Developing Coutries”  dhaqaale ahaan, nolol dabaqada dhexe ah samaystay, dalaka noocaan waxaa laga yaabaa in uu ka dago culays nidaamkii hore uga imaanayay, wayna ka faa iidi karaan nidaamka cusub ee madaxyada badan. Nooca ladaad ee dalalku waa Dalal awalba faqri iyo xassilooni darro ragaadisay oo jiritaankoodu ku tiirsanaa nidaamkii halka madax lahaa ee jiray, dalalkaas waxay u badan tahay in ay awoodaha hardamaya lakala saftaan dhibaatana kasoo gaarto.

Waxaa meesha ka bixi doonta tabartii aydaloojiyadaIdeology, haddii aan si kale u dhigo waxaa la sugayaa in ay soo jiidashadeedii lumiso aydaloojiyada reer galbeed ee ku qotanta Dimuqraadiyada iyo Suuqa-Xorta ah ee caalamka kali ku ahayd illaa dagaalkii qaboobaa kadib.Maadaama Shiinuhu la-iman doonin ayadaloojiyad gaar ah oo aan ka ahayn Isballaarin-dhaqaale, waxaa dhici doonta in dunidu ka nasato loolanka afkaaraha loogu tala galay in loogu soo gabbado qabsashada umadaha tabarta yar.

Lkn dhanka kale loolanka labada dal ka dhaxayn doona wuu ka duwanaan doonaa muuqaal iyo macno ahaanba wuuna  uga dhib badnaan doonaa dalalka tabarta yar kii horay usoo dhex Maray Maraykan iyo Midawgii Soofiyeet, maxaa yeelay loolankaas 1991 dhamaaday inkasta oo labada quwadood danahooda gaarka ah oo kaliya daba socdeen, haddana wuxuu ahaa loollan huwisan labo aydaloojiyadood oo mid walba sheeganayso in iyadu tahay tan basharku ku badbaadayaan, barwaaqana lagu gaarayo. Lkn hadda wixii ka dambeeya maadaama aysan jiri doonin aydaloojiyad suuq fiican haysata wakhtiga dhaw, waxay ubadan tahay in loo tartami doono muquuninta iyo cunaqabashada dalalka tabartayar si dano dhaqaale iyo kuwa Juqraafi-Siyaasadeed looga gaaro.

W/Q: Qoraa & Saxafi Abdiwali Sayid 

Goobjoog News

Related Articles

7 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW