U bood dhigaalka

Itoobiya: Nabadoonkii Dhiigga Ku Faraxashay

Sheeko:Amniga

Kadib markii todobaadki la soo dhaafay dowalladda Itoobiya ay shaaciysay  in albaabada loolaabi doono  inta badan safaaradaha ay ku leedahay caalamka, ayaa waxaa durba su’aallo ka yimaadeen heerka hoos u dhac dhaqaalle ee dalka Itoobiya iyo Doorka uu xukunka Abiy ku leeyahay bur burka dhaqaalaha.

Hadaba Goobjoog News  waxa ay kula wadaageysa tan iyo markii la doortay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Dhibaatooyinkii dhaqaale ee uu galay dalkaas iyo colaadaha daba dheeraday ee xukunkiisa faraha kula jiro.

2 April 2018 Markii Abiy Ahmed loo doortay in uu noqdo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, waxa uu durba la soo baxay siyaasad iyo dhaqdhaqaaq ka duwan Itoobiyadii uu hogaaminayay Hailemariam Desalegn.

Shacabka iyo siyaasiyiinta Itobiya ayaa si weyn u soo dhaweyay Abiy, xilli Itoobiya ay u muuqatay mid dhabbaha Nabadda, Horumarka iyo Dhaqaalaha cagta saartay.

Waxa uu hantay billado iyo Hab maamus aney helin hogaamiyaashi isaga ka horeyay oo ku caan baxay caburin, Dagaallo iyo tiktaatooriyad.

Olalihiisi ugu horeyay waxa uu ka bilaabay gudaha dalka, waxa uu dhammaan mar qura cirib tiray nidaamkii ku dhisnaa awoodda, isagoo maamullo ay ka mid yihiin maamulka deegaanka Soomaalida oo ay dhibaato badan ka taagneyd xaliyay.

Waxa uu Abiy heshiis la galay dowladda ay ood-wadaagga yihiin ee Eritrea oo in ka badan 20 sano ay dirir kala dhaxeysay dalkiisa, Caalamka ayaana u arkay da’yar Isbaddala siyaasadeed horseedayo, waxaana lagu abaal mariyay biladda Nabadda Adduunka ee Nobel Peace Prize sanadkii 2019.

Balse Intaa oo dhan waxa uu ku qarinaya dhab ahaanshaha siyaasaddiisa Dagaalka, Naceybka Tigray, Ciribtirka Siyasaadda Jabhadda TPLF iyo Dhisidda Oroma Awood badan  ee Abiy Ahmed Ali.

Dhamaadkii 2019 waxaa uu bilaabay dhaqan gelinta siyaadiisa hadoodilan, Isagoo ficiladiisa siyaasadeed ay dhulka la galeen dhaqaalihii dalka Itoobiya.

Fanaanka caanka ee qowmiyadda Oramia  Hachalu Hundessa ayaa la dilay June 29, 2020, xilli uu saarna masrax uu ka qaadayay heeso.

Dilka Hundessa ayaa waxaa ka dhashay banaanbaxyo sababay dhimashada in kabadan 200 qof, Abiy ayaa xilligaas sheegay in dilka fanaanka ay ka dambeyeen dowlado shisheeye.

Waxaa uuna Abiy lumiyay taagerayaal badan oo ka soo jeeda qowmiyadda uu siyaasadda ku matallo, waxa uuna tan iyo xilligaas uu wajahay dalka bur bur dhaqaalle, iyadoo dhaqaalaha dalka Itoobiya uu u qeyb samay kuwa Abiy dagaal uu ku galo iyo kuwa lagu difaaco.

Isku-dhacyo dhanka qowmiyadaha ah oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac oo sida uu sheegay Abiy lagu majo xaabinayey maamulkiisa.

Dagaalada qowmiyadaha ayaa dowladda Itoobiya waxa ay ku waysay lacago kuwaas oo ay deeq ahaan uga heshay caalamka.

Dhamaadkii 2020 dagaalkii dowladda ay la gashay qowmiyadda Tigrayga kadib markii ay diideen mudda kororsi uu sameystay Abiy Ahmed, ayaa sare u sii qaaday hoos u dhaca dhaqaalaha ee dalka, kadib markii ay Abiy iyo xulafadiisa u adeegsadeen dhaqaalaha dagaalka.

Xisbiga TPLF ay garwadeenka ka yihiin Tigrayga ayaa dib u soo laba kacleyay todobaadyadii la soo dhaafay kadib markii uu Abiy dhamaadkii sanadkii tagay awood ciidan kaga saaray saaxadda siyaasadda.

Deeq bixiyayaasha iyo dowladaha taagera dalka Itoobiya ayaa hadda intooda badan joojiyay lacagihi ay ku maal gelinayeen dalka, sababa la xiriira colaadaha salka ku haayo xukun jaceylka Abiy.

Mareykanka waxa uu horay u sheegay in uu xayiraado ay ka mid yihiin cunaqabateyn dhaqaalle iyo mid taageero ku soo rogayo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo xulafadiisa.

Qaramada midoobay oo todobaadkaan xaaladda dagaalada Itoobiya fadhi ka yeelatay waxa ay sheegtay in ay in kabadan 400,000 qof ay gaajo wajahayaan.

Abiy Ahmed iyo Dowladdiisa ayaa hadda faro ku heyn siyaasadda gudaha iyo tan dibadda oo ay cadaadisyo kala kulmeyso TPLF iyo dowladaha deriska oo ay ugu horeyaan Masar iyo Sudan.

Bartamihi isbuucan ra’iisul wasaaraha waxa uu baarlamaanka u sheegay in uu diyaarinayo 1 milyan oo ciidan kuwaas oo difaaca.

Dowladaha Masar iyo Sudan ayaa ku gacan seeray codsiga Itoobiya ee bilawga qorsha biya xireenka ay dooneyso in ay dhisato.

Wasiirka waraabka Masar ayaa Maxamed Cabdel Aty ayaa sheegay in Isniintii ay soo gaartay fariin ka timid Itoobiya oo dalkiisa lagu wargelinayo in Abiy uu bilaabay buuxinta keydka biya xireenka, kaas oo ay Masar ku gacan seyrtay .

Maamulka Faraacinta ayaa sheegay in Golaha Ammaanka ay u gudbiyeen baaqoodii ugu dambeyay ee fara gelinta Abiy, xilli ay xuseen in jawaab ay bixinayaan.

Isku dhacyada qowmiyadaha, Dagaalada Qabiileed ee huwan shaarka dowladda iyo siyaasadda aan fadhin ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sumad u noqotay Itoobiya oo ka mid ah dalalka ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Safaaradaha la xirayo:  Itoobiya waxa ay qorsheyneysa in bilooyinka soo socda ay xirto inta badan safaaaradaha ay ku leedahay dunida, kadib markii ay soo wajahday dhaqaallo yari.

Safaaradaha la xirayo ayaa yimid xilli ay gabaabsi sii marayaan dhaqaalaha ay dowladda Itoobiya heli jirtay sanadkii.

Goobjoog News

WQ/ Abdirahman Sabriye