U bood dhigaalka

Itoobiya Oo Soomaaliya u Qeybisay Saddex Dal

Sheeko:Dalka

Bogga rasmiga ee wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya waxaa ku qoran in Soomaaliya ay tahay saddex dal, Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland.

 

Mar ay daabacayeen goobaha ay u fadhiyaan wakiilo diblomaasiyadeed ayey gooni u saareen Somaliland iyo Puntland, kana dhigeen dalal gaar ah.

 

Eeg lifaaqa, dalalka ay qunsuliyadaha guud ku leedahay magaca dalka ayaa ku qoran taxa dalalka, laakiin Soomaaliya Muqdisho uun ayay matashaa, taxa dalalka waxaa kula jira Puntland iyo Somaliland.

 

Arrintan waa meel ka dhac kale oo muddo todobaad ah, waxaa ay horay isla wasaaradda kharaadiidda Afrika uga saartay Soomaaliya, oo ay dalkeeda ku dartay. 

Inkasta oo ay ka saartay, kana cudur-daaratay, hadana Muqdisho arrimahaas weli kama hadlin,

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir