U bood dhigaalka

Jamaal Cali Xuseen: Wali Ma aanan Harin Khilaafkii Ucidna Ma uu Dhamaan

Sheeko:Dalka

Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo hoggaamiya garab ka mid ah garabyada is haya ee xisbigaas ayaa saxaafadda u sheegay inaaney wali harin khilaafkii kala dhexeeyay garabka Faysal Cali Waraabe aanuu wali dhamaan.

Jamaal oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay saddex dacwadood oo kala duwan oo ay u gudbiyeen maxkamadda sare ee Somaliland, waxa uuna yiri:

“Saddex dacwadood oo kala gaar ah ayaanu ku dacweynnay,  midi waa Faysal Cali Waraabe oo kaligiis ah inuu na khilaameeyay oo uu ummadda la soo hor istaagay wacad been ah oo waliba ku faanay, markhaatiga aan heysannaa waa afkiisa. tan labaadna waa-dacwad ku socota- hay’adihii dawdaladda oo sida sharcidarrada ah nooga hiilliyay ee shirkayagiina hor is taagay shirkiisiina u fasaxay ee Booliska u diray taasina waa dacwad noo gaar ah, dacwadda saddexaad waxa weeyaan fulintii xukunka maxkamadda waa in sideedii loo fuliyaa, maxkamaddu waxay tiri shirweyne aan caadi ahayn ha la sameeyo labada garabna ha wada qabanqaabiyaan, hana yimaaddaan ergooyinkii 2012-ka, waxaan ku haynaa ergooyinkii joogay inaaney ahayn kuwii 2012, waxaanu ku haynaa inaan laga shaqeysiin 5-tii aanu ku lahayn, bal markaas ayaan arki doonnaa taladeedana dib ayaan iskugu noqoneynaa”.

Jamaal waxa uu sheegay inaaney wali tanaasulin khilaafkiina aanuu dhamaan:

“Wali ma aanan hadhin, khilaafkii Ucidna ma uu dhamaan haddii la is xoogayo waa mid gaar ah, heshiiskii aanu wadagalney Faysal Cali Waraabe waa kii ku faanayay inuu na khiyaameeyay ee hay’adihii qaranka iyo xisbi xaakiimkiiba ay fadhiyeen oo u qoslayeen oo sacabka u tumayeen, haddii Faysal leeyahay dowladdaa noo garab ah annagana shacabka Somaliland baa noo garab ah”.

Waxa uu dhaliil u soo jeediyay guddiga diiwaangelin Axsaabta oo uu xusay iney ka hiiliyeen kadib markii ay sharciyeeyeen shirkii halka dhinac ahaa ee garabka Faysal Cali Waraabe.

Si kastaba, Somaliland ayaa aad looga hadlay hayaa khilaafka xisbiga Ucid oo wali aan lagu kala bixin, iyadoo maxkamadda sare laga sugayo waxa ay ka tiraahdo dacwadahan cusub ee garabka Jamaal ay u gudbiyeen.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada