U bood dhigaalka

James Swan iyo Qoorqoor oo Muqdisho Ku Kulmay, Maxay Kawada Hadleen?

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan Muqdisho ayaa maanta kulan waxaa gaar ah kula qaatay Ergayga xoghaya guud ee Qamaramada Midoobe u qaabilsan Somaaliya James Swan,

Labada mas’uul ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu wenyihiin arrimaha doorashooyinka qaran iyo saluuga laga muujinaayo hannaanka doorashada iyo guddiyada muranka dhaliyey kuwaas oo weli aan la xalin.

Waxaana intii uu kulanka sovday lagu soo hadal qaaday xalinta khilaafka u dhaxeeyo madaxda dowladda iyo kuwa xubnaha ka ah oo ku kala aragti duwan doorashada iyo sidii heshiis mid ah looga gaari lahaa arrimaha doorashada.

Kulanka madacweyne Qoorqoor uu la qaatay James Swan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maamullada dalka ka jira qaar iyo midowga musaharraxiinta ay muujinayaan saluug ku aadan doorashooyinka iyo guddiga heer federal.

Goobjoog News