U bood dhigaalka

Jubbaland oo Ku Dhawaaqday Xilliga La Qaadi Doono Imtixaanka Shahaadiga Ah

Sheeko:Dalka

Dowlad goboleedka Jubbland ayaa shaaca ka qaadday xilliga rasmiga ah ee la qaadi doono imtixaanka fasalka 8-aad iyo kan dugsiga sare ee deegaannada maamulkaasi.

Warqad ka soo baxday wasaaradda waxbarashada Jubbaland ayaa lagu sheegay in imtixaanka fasalka 8-aad ay ardeyda u fariisan doonaan 11-07-2020 halka ardeyda fasalka 12-aad ee dugsiga sare ay iyaguna imtixaankooda shahaadiga ah geli doonaan  04-07-2020.

Wasaaradda ayaa horey u go’aamisay in imtixaanka fasallada 8-aad la qaadi doono 06-06-2020 balse wadatashi iyo qiimeyn dheer ayey wax ka badal ku sameeyeen waqtigas, iyaga oo sheegay in saameyn xanuunka COVID-19 ay wali tahay mid jirta.

Soomaaliya ayaa waxaa si adag u saameeyay safmarka Coronavirus kaas oo saameyn ku yeeshay waxbarashada ardeyda Soomaaliyeed oo daruufo adag wax lagu baro.

Halkan ka akhriso warqadda wasaaradda ay soo saartay

No photo description available.

Goobjoog News