U bood dhigaalka

Jubbaland oo Sheegtay in Villa Soomaaliya Ay Ku Fashilantay Qabashada Shirka Wadatashiga DF iyo Maamul Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in villa Soomaaliya ay si toos ah ugu fashilantay shirka wadatashiga ah ee la doonayay inuu dhexmaro madaxda dowladda federaalka iyo kuwa xubnaha ka ah si looga arrinsado xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Jubbaland waxa ay sheegtay inay ka qeyb gashay saddex shir kaas oo ay soo agaasintay viila Soomaaliya iyada oo xustay in dhamaan shirarkaasi ay ku dhamaadeen natiijo la’aan.

“Inay shaqayn waayeen xoghayntii (secretariat) loo igmaday qabanqaabadda shirka wadatashiga madaxda, sidaa daraadeedna Jubaland aanay qayb ka ahaan karin shirar aan natiijo lahayn”ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay Jubbaland.

Sidoo kale Jubbaland ayaa soo dhoweysay go’aamadii ka soo kala baxay guddoonka aqalka sare iyo guddiga joogtada ah ee golaha shacabka kuwaas oo ahaa in la qabto shir wadatashi ah oo looga arrinsanayo siyaasadda dalka.

“Inay bogaadiso go’aankii Guddoomiyaha Aqalka Sare uu maanta isugu yeeray Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare, si ay uga talo-bixiyaan tubta ugu habboon ee lagu xallin karo khalkhalka siyaasadeed ee ka dhalan kara doorasho heer qaran ah oo aan habraaceeda lagu heshiin.  Waxaan taageero buuxda siinaynaa go’aankii ka soo baxay kulankii Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ee qabsoomay 9/6/2020. Go’aankaas oo ahaa in shir wadatashi heer qaran oo degdeg ah laysugu yimaaddo inta ka horreysa 25-ka bishan June’ ayey sii raacisay Jubbaland.

Dowladda dhexe ayaa lagu eedeynayaa inay ka caga jiideyso inay la fariisato hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada dalka.

Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka ay soo saartay Jubbaland

Goobjoog News