U bood dhigaalka

Jubbaland oo Sheegtay inay Go’aan Cad Ka Qaadan Doonaan Dowladda Federaalka Ah

Sheeko:Dalka

Sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan waxaa saacadaha soo aaddan la filayaa in maamulka Jubbaland uu go’aan cad ka qaadato dowladda federaalka ah ka dib markii ay ku eedeeyeen arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso burburinta maamulkaasi.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa tilmaamay in markii golaha aminga Jubbaland ay xeeriyeen sida dowladda dhexe ay ula dhaqmeyso maamulkooda ay isku raaceen in saacadaha so aaddan go’aan ka dhan ah dowladda Farmaajo inay shacabka la wadaagaan“Dowlad goboleedka Jubbaland wax ay go’aansatay inay mowqif adag qaadato 24-ka saac ee soo socdana ay go’aan ka soo sarto oo ay la wadaageyso ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka”.

Shir ay magaalada Kismaayo ku yeesheen golaha amniga ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay ku go’aamiyeen inay go’aan adag ka qaataan dowladda dhexe oo uu kala dhaxeeyo khilaaf xooggan waxaana Maxamuud Sayid Aadan uu tilmaamay in hay’adda nabad sugiida qaranka ay qalalaase ka waddo gobalka Gedo  kagadaal markii xabsiga degmada Luuq la dhigay guddoomiyihii degmada Garbahaareey isaga oo arrinkaas ku tilmaamay mid ka fog dowladnimada waxa uuna ku baaqay in la sii daayo guddoomiyaha.

“waxa ugu foosha xun waxa ay ahayd guddoomiyihii degmada Garbahaareey oo si xoog ah loo afduubay xorriyaddana looga qaaday waxa yaabka leh ee aan isweydiinayno ayaa ah hay’adda NISA ma qarankii Soomaaliyeed ayey burburinaysaa haddaad qarankaagii burburiso oo hay’adahaadii maamul iyo garsoor burburiso haddii aad sharcigii iyo xeerarkii u dagsanaa Soomaaliya aad tuurto waxa xiga waa maxay? Waxaa xigaya in dowladnimada Soomaaliya ay meesha ka baxdo, dagaalo sokeeya dhacaan, argagixisada ay dalka dib u qabsato anngayaga isfahansanna aan isleyno waxaan soo jeedinaysaa in guddoomiyaha Garbahaareey xoriyaddiisa loo soo celsho” ayii Yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa soo hadal qaaday inay haboonaan lahayd in waxkasta oo is afgarn waa ah in lagu xaliyo miiska wada hadalka badalkii la daadin lahaa dhiig waxa uuna intaa ku daray in iyagu ay iska diideen  colaadda haatan ay gobalka Gedo ka hurineyso dowladda dhexe

Khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland ayaa haatan cirka isku sii shareeraya iyada oo horey dowladda u sheegtay inaysa aqoonsanayn doorashadii markale uu ku soo baxay madaxweyne Axmed Madoobe taas oo keentay isqabqabsi ku aaddan sax ahaanshiyaheeda inkastoo markii dambe ay tanaasuleen qolyihii isbadal doonka Jubbaland mana jirto haatan wax isu soo dhowaansha oo ay muujinayaan labada dhinac, balse dowladda Farmaajo oo horey si xoog ah kula wareegtay qeybaha uu ka kooban yahay gobalka Gedo ayaa wali isku dayeysa inay awood ku muquuniso maamulka Axmed Madoobe.

Goobjoog News