U bood dhigaalka

Jubbland oo Soo Gabagabaysay Kuraasta Deegaan Doorashada Labaad

Sheeko:Dalka

Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxaa maanta Jubbaland ay kusoo gabagabaysay doorashada 16-ka kursi ee gobolka Gedo, kuwaas oo maalintii shalay la gudo galay doorashadeed,iyadoo maanta la dooray 5 kursi.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#122 ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Cumar Maxamed Buulle iyo Mursal Maxamed  Khaliif , waxaa tartanka gursiga ka tanaasulay Cumar Maxamed Buulle, waxaana gacantaag ku soo baxay musharrax Mursal Maxamed Khaliif oo ku guulaystay kursiga, isaga oo ka mid noqday xildhibaannada.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#110 ayaa waxaa ku tartamay Maxamed Muxumed Maxamed iyo Khadar Axmed Adan oo isaga haray tartanka gursiga, waxaana Ergadu codadka siiyeen musharraxa kale Maxamed Muxumed Maxamed oo ku guulaystay kursiga, waxaana uu noqday xildhibaan ka tirsan Baaraalamaanka 11-aad.

Kursiga tirsigiisu yahay  HOP#131 ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Axmed Cismaan Ibraahim iyo  Aadan Gaarane Cabdullaahi, waxaana ku guulaystay kursiga Axmed Cismaan Ibraahim oo markale kusoo baxay kursigaan maadaama uu ku fadhiyay Baarlamaankii 10-aad, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#123 ayaa waxaa ku tartamay Marwo  Faadumo Faarax Aadan  iyo Musharax Sacdiyo Cabdullaahi Shire oo isaga hartay tartanka kursiga, waxaana Ergadu hab gacantaag ah ugu cpdeeyeen Marwo Faaduma Faarax Aadan oo ku guulaystay kursiga sida markii dambe uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka.

Kursiga ugu dambeeyay doorashadii maanta ka dhacday Ceelwaaq ayaa waxaa tirsigiisu ahaa HOP#125, waxaana kusoo baxay  musharrax Cabdirashiid Maxamed Ducaale, kadib markii u tanaasulay Maxamed Adan Xasan oo ah musharrxii la tartami lahaa musharrax Ducaale, waxaana soo idlaatay 16-kii kursi ee Gedo ku matali lahaa BJFS.

Goobjoog News