U bood dhigaalka

Kadib Kaalinta 1-aad, Maxay Farmaajo Iyo Kheyre Ka Dhaheen Musuqa Sanadkii Hore?!

Sheeko:Dalka, War

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sanadkii hore markii uu murashaxa ahaa waxaa uu Baarlamaanka Federaalka ah kala hadlay arrinta musuqmaasuqa, isaga oo wax lala yaabo ku tilmaamay in Soomaaliya ku jirto kaalinta 176-aad ee caalamka, Denmark-na ay ku jiro kaalinta 1-aad, isaga oo intaasi raaciyay weydiin ah: Maxaa noo diiday inaan Denmark La tartanno?

Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Arrinta nolosha saan sheegay  isbadalkeennu waa nabad iyo nolol,  waana waxa aan u baahannahay,   labadaasi haddaan abaarno,   waxaan aaminsan ahay inuu dalkan uu noqonayo dalalka ugu kheyraadka badan. Waxaa ugu horreeya haddaan nolol rabno musuqmaasuqa inaan la dagaalanno,  musuqmaasuqu waa cadowga  siyaasadda, cadow dowladeed waaye , sida Shabaabka ay cadowga shacabka u yihiin ayuu musuqmaasuqa u yahay cadowga horumarka. Waxaa labo bil ka hor la soo saaray, Transparency International soo saartay sanadkii 10-aad in aan ugu jiro waddanka ugu musuqmaasuqa badan adduunka, 176 baan uga jirnaa, waddanka ugu horreeyana waa Denmark,  maxaa noo diiday inaan Denmark la tartanno?  Maxaan ugu jirnaa inaan noqonno dadka ugu xun dunida?  illeen musuqmaasuq micnaheedu waa tuug,   diinteena ma oggola  dad islaam ah ayaan nahay ,maxaa na gaarsiiyay inuu adduunka nala yaabo [oo] ay yiraahadaan dadkaan  bani’ aadam maahaan .

Farmaajo Oo sii hadlaya “Walaalayaaloow mudanayaal iyo marwooyin, haddaad i doorataan musuqmaasuqu waa beegsigeyga ugu horreeya, waa la dagaalamaynaa  si fool xunna waan ula dagaalamaynaa,  qofkii hantida qaranka ku takri fala umaddana waan ku ceebaynaynaa,  xabsi dheerna waan u diraynaa .”

Dhinaca kale, Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre, waxaa uu Baarlamaanka 10-aad u sheegay in uu ciribtiri doono musuqa, isaga oo ballan-qaaday  dhismaha guddi la dagaallama musuqa, si loo gaaro horumar iyo nabad, waxaana uu shacabka u sheegay in Golaha Wasiirrada la ogaan doono hantidooda!

Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre, waxaa uu ballan-qaaday xoojinta hab-raaca iyo hab-maamulka kharashka dowladda si loo hubiyo in dhammaan kharashyadu ay mareen xeer-nidaamkii loogu talo-galay, laguna qabtay howshii loo qoondeeyay.

Tan iyo markii xukuumaddiisa la ansixiyay April 1, 2017-kii, waxaa uu maalin walba iyo fagaare walba kaga hadli jiray la dagaalanka musuqa, laakiin sanad ka dib hindise sharciyeedka musuqa waxaa uu la yaallaa Baarlamaanka, lama arkin meel Golaha Wasiirrada hantidooda lagu sheegay, weli lama dhisin guddigii la dagaallami lahaa musuqa, hal qof looma qaban arrimo musuq la xiriira, Ra’isul Wasaare Kheyre wixii uu shacabka iyo Baarlamaanka u sheegay oo dhan waxaa ay noqdeen been iyo barnaamij aan jirin!

Waxaa intaasi dheer, sanad ka dib ma jirto isbadal la sheegi karo oo xagga musuqa ah, ciidamada xoogga dalka waxaa ay Mareykanku lacagtii uga jareen arrimo la xiriira musuqa, duniduna waxaa ay aamisan tahay in dalkan uu musuq hareeyay!

Warbixin ay sanadkan soo saareen Transparency International, Soomaaliya waxaa ay sanadkii 11-aad ku jirtaa kaalinta 180-aad sida warbixinta lagu sheegay. Waxaa nasiib darro ah in dalalka ugu musuqa badan Afrika ay hoggaaminayaan madax markii hore jagada u qabatay la dagaalanka musuqa!

Haddaba, Maxaa dhacay? Aawey ballantii iyo isbadalkii ay Farmaajo iyo Kheyre umadda u sheegeen mise warkoodu waxa uu iskugu soo biyashubtay“Hadal badan haan ma buuxsho”?!

Goobjoog News