U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Dhagax Dhigay Mashruuc Lagu Dhisayo Dhowr Waddo oo Laga Hirgelinayo Caasimadda

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyaan mudanayaal ka tirsan labada ee Dowladda Galmudug iyo maayarka caasimadda ayaa dhagax dhigay Xafiiska howlgalinta mashruuca Nagaad, oo ka shaqeyn doona dib u dhiska iyo bilicada caasimadda.

Xafiiskaan waxa uu maamuli doonaa dhismaha 11 waddo oo caasimadda Dhuusmarreeb dhex marta iyo laamiga weyn ee oo laba dhinac ah, sidoo kale waxaa qayb ah dhismaha waddada ka timaadda garoonka diyaaradaha iyo waddo weyn oo marta galbeedka magaalada oo laami ah & qaar kale.

Mashruuca waxaa qeyb libaax ka qaadan doona dib u dhiska waddooyinka muhiimka ah ee deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug .