U bood dhigaalka
Oktoobar 14, 2026

Shirweynaha Qaran ee Ka Hortagga iyo La-Dagaallanka Fikirka Xagjirka ah oo ka Furmay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha Qaran ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah, kaas oo ay ka qaybgalayaan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, xildhibaanno, saraakiil ka socda hay’adaha amniga, culimada diinta iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah.

Shirweynaha ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu wajahayo fikirka xagjirka ah, loo horumarin lahaa wacyigelinta bulshada, loona adkayn lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladda, culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Inta uu shirku socdo, waxaa la filayaa in laga hadlo qorshayaasha dowladda ee la xiriira ka hortagga fikirka xagjirka ah, iyadoo sidoo kale la falanqayn doono doorka ay culimada, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha amnigu ku leeyihiin wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga faafitaanka fikradaha xagjirka ah.

Soomaaliya ayaa muddo ku dhow labaatan sano la tacaalaysay dhibaatooyinka ka dhashay kooxaha xagjirka ah iyo amni-darrada la xiriirta, kuwaas oo saameyn ku yeeshay nabadda, amniga iyo nolosha bulshada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaalladeeda ku wajahan la-dagaallanka kooxahaas ku darsanaysa ka hortagga fikirka xagjirka ah, iyadoo xoogga la saarayo wacyigelinta, faafinta fahamka diinta ee dhexdhexaadka ah iyo sidii bulshada looga ilaalin lahaa fikradaha horseedi kara rabshadaha.