U bood dhigaalka

Kenya Oo Sheegeysa In Qaramada Midoobey Ka Digtay Halista Khilaafka Muran Badeedka Kala Dhaxeeya Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Kenya ayaa baadi-goob ugu jirta faragelin caalami ah oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sameyso muran badeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa la sheegay inuu si aan caadi ahayn u hor dhigay khilaafka labada dal 15ka xubnood ee Golaha Ammaanka iyo qatarta muran badeedkan uu u geysan karo nabadda iyo xasilloonid gobolka.

“Laba usbuuc ka hor, arrinta ku saabsan muran badeedka ayaa xoghayaha guud ee qaramada midoobay uu soo hadalqaaday isagoo u sheegay Golaha Ammaanka halista khilaafkan u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya uu u leeyahay nabadda iyo amniga gobolka,” ayey tiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dowladda Kenya Monica Juma.

Kenya ayaa sheegtay in haddii Soomaaliya ay ku adkeysato dacwadda hortaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee caddaaladda inay yeelan doonto saameyn kale taasoo ah in qaaradda isqabqabsi nuucaan oo kale ah uu ka billawdo iyadoo murankaan uu sababi doono in dalalka dhaca woqooyiga ay iyaguna ka wada-xaajoodaan xudduudahooda.

Kenya waxay sheegtay in arrintan ay keeni doonto in muran dhex maro Kenya iyo Tanzania, Tanzania iyo Mozambique, Mozambique iyo Koofur Africa waa haddii arrinta Kenya iyo Soomaaliya ay sidan ku sii socoto.

Qaramada Midoobay ayaa qilaafka Soomaaliya iyo Kenya soo gaaray kaddib markii xiriirka Nairobi iyo Muqdishu uu xumaaday waxaana muranka sii huriyey markii ay Soomaaliya suuq geysay shidaalka dhul badeedka lagu muransan yahay sida ay sheegtay Monica Juma. Kenya ayaa arrintaas ku tilmaantay mid daandaansi ah islamarkaana gardarro ah.

Kenya ayaa haddii ay ku guul-darreysato dacwadda hoos u dhac dhaqaale oo weyn soo wajihi doonaa gaar ahaan goobaha lagu muransan yahay. Inkastoo Kenya ay ka dalbatay Soomaaliya inay dib uga laabato suuqgeynta shidaalka ee shirkii London laakiin Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka gaabisay dib uga labashada go’aankeeda.

Goobjoog News