U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Weerar Al-shabaab Kusoo Qaadeen Balcad

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ayaa sheegaya saaka aroortii ay weerar kusoo qaadeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo soo galay gudaha magaalada.

Rasaas ayaa waxaa ay dhexmartay dagaalyahannada Al-shabaab iyo ciidamo deegaanka ah, taasi oo keentay khasaare kala duwan.

Ilo ka tirsan dowladda federaalka ah ayaa sheegay  in Al-shabaab laga dilay 14 iyaguna ay dileen askari iyo 7 qof oo shacab ah.

Ma jirto warar madaxbannaan oo ka soo baxay halkaasi, laakin dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda ay degan tahay.

Goobjoog News