Khasaaro Ka Dhashay Shil Ka Dhacay Kenya
Sheeko:Arrimaha Amniga

Wararka naga soo gaarayo gudaha dalka Kenya ayaa sheegaya in shil gaari oo gaystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay ismaamulka Kitui.
Inta la xaqiijiyay adad gaarayo 12 ayaa ku geeriyootay shilkan oo ka dhacay deegaanka Kanyonyoo ee ismaamulka Kitui dalka Kenya.
Shilkaan ayaa yimid kadib markii uu xakameyn waayay darawalkii waday mid kamid ah gawaarida dadweynaha, halkaasna uu ka dhashay khasaaraha.
Warbaahinta Kenya ayaa ku soo waramaysa in darawalka gaariga waday uu isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya, taasna ya sababtay in uu xakameyn waaye gaariga.
Goobjoog News