U bood dhigaalka

Khasaaro Kala Duwan Oo Ka Dhashay Shil Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalada Muqdisho habeenimadii xalay ka dhacay shil sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca todoba ruux oo ku sugnaa goob maqaaxi ah.

Shilka ayaa yimid kadib mid kamid ah gawaarida raaxada ah uu ku soo fariin goostay goob ay ku qaxweynayeen dhalinyaro fara badan.

Maqaaxida uu shilka uu shilka ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Mr Fruto waxa ayna ku taalla agagaarka isgoyska shaqaalaha ee wadada maka almukarama.

Shilka ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray todoba ruux kuwaas oo hadda xaaladooda lagu dabiibayo qaar kamid ah isbitaalada muqdisho, halka uu ku geeriyooday wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdulqaadir Geelle oo kamid ahaa dhalinyaro maqaaxida ku qaxweyneysay.

Goobjoog News