U bood dhigaalka

Kheyre iyo Galmudug: 12 Balanqaad Oo Reer Galmudug Ay Fulintooda Ka Sugayaan Ra’isul Waasaraha!

Sheeko:Dalka

Ra’isul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Xasan Khayre ayaa todobaadkan ka soo laabtay safar uu muddo bil iyo 10 cisho ah ku joogay Galmudug.

Mudane Kheyre intii uu deegaankaasi joogay waxaa uu qabtay hawlo muhiim ah, oo ay ugu weyneyd in ciidamadii kooxda Suufida ee Ahlu-sunna lagu wareejiyey dowladda federaalka ah, lana qarameeyey.

Dhinaca kale, waxaa jiray ballamo uu Xasan Kheyre ka qaaday dadka reer Galmudug, kuwa siyaasadda  oo ay ku jireen dhismaha Galmudug oo mid ah, magacaabis guddi dib u heshiisiin iyo cabashada beelaha maalin kale ayaan ka hadli-doonnaa, laakin maanta waxaan halkan ku soo uruuriney ballamaha horumarineed, kuwaas oo fulintooda laga sugayo, laguna xisaabtamo ra’isul wasaare Kheyre  maalmaha ama bilaha soo socda.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso Labo iyo Toban(12) Balanqaad oo Laga Sugayo Fulintooda:

1. Ugaas Nuur Airport: Ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxyaabaha uu dadka deegaanka Dhuusamareeb ka balanqaaday waxaa ka mid ahaa dhismaha garoonka diyaradaha ee Ugaas Nuur.

2. Isbartiibada Dhuusamareeb:  Dhalinyarada reer Dhuusamareeb waxaa ay Kheyre ka sugayaan balanqaadka ah dhismaha garoonka kubadda cagta.

3. Laamiga Dhexmara Dhuusamareeb:  Waxaa uu kale uu isla Dhuusmareeb ka balanqaaday dhismaha waddo laammi ah oo dhex marta magaalada.

4. Biilka Ciidanka: Waxaa uu ra’isul wasaare balan-qaaday in ciidamada la diiwaan-geliey ee Galmudug ay biil dowladda federaalka ah bixiso qaadan-doonaan bisha August 2019-ka.

5. Cadaado: Ra’isul wasaare Xasan Kheyre intii uu Cadaado joogay waxaa uu la kulmay mas’uuliyiin, odeyaal, dhalinyaro iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee deegaanka. Arrinta ugu muhiimsan ee uu balanqaaday marka laga soo tago in Cadaado aanu ka qaadin doonin maqaam ay heysato, hadana waxaa uu balanqaad u sameeyey guddiga is-xilqaan, oo dhisay goobo muhiim ah oo xero ciidan ku jirto.

Koonfurta Galkacyo:

6. Garoonka Cabdullahi Ciise: Waxaa Xasan Kheyre oo dadweyne halkaasi kula hadlayey uu balan-qaaday inuu dowladdiisa ay qurxin-doonto, lacagna gelin-doonto isbartiibada.

7. Jidadka Baladweyn Ilaa Galkacyo:  Waxaa uu reer Galkacyo ugu bishaareeyey  in xukuumadiisa ay saxiixday heshiis lagu dhisayo jidka isku xira Baladweyne ilaa Galkacyo.

8. Hoyga Nabadda: Ra’isul  wasaare Xasan Kheyre waxaa uu dhagax dhigay  “Hoyga Nabadda Magaalada Gaalkacyo”, isaga oo sheegay iney tahay sharaf u soo hoyatey Galmudug iyo Puntland, lama oga waxa ay uga qeyb qaadatay xukuumadiisa.

9. Agabka Ciidamada Isku Dhafka Galkacyo: Ra’isul wasaare Kheyre waxaa uu reer Galkacyo u sheegay inuu halkaasi u tagay inuu agabka u dhameystiro ciidamo isku dhaf ah, oo halkaas laga hirgeliyey booqashadii madaxweyne Farmaajo kadib.

10. Waqooyiga Galkacyo iyo Cawaale:  Waxaa uu balan-qaaday dhismaha garoonka Cawaale ee waqooyiga Galkacyo si dhalinyarada uu uga farxiyo.

11. Dib-u-heshiisiinta Xeraale iyo Huurshe: Mar uu Huurshe joogay waxaa uu sheegay in dowladda federaalka ah ay soo diryso guddi kala shaqeeya dib u heshiisiinta iyo wax walbo ay tabanayaan Halkan Xeraale uu ka sheegay in aanu magaalada ka tagi-doonin iyada uusan xalin wixii khilaaf ah ee kala dhaxeeya Huurshe.

12. Qaanta Kheyre: Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo nala hadlay waxaa ay sheegeen in ra’isul wasaare Xasan Kheyre uu deegaanka ka soo tagay isaga oo si gaar ah lagu leeyahay lacag badan, ilaa hadda lama bixin lacagihii lagu soo dhoweeyey magaalooyinka uu tagay ee Galmudug, lama bixin qarashkii  gawaarida galbinayey, goobo deegaanka, cunto, boorar, hawlo farsmo, qaban-qaabo iyo abaabulka dadweynaha socday muddadii uu halkaasi joogay.

Muxuu Fuliyey Ilaa Hadda?

Garoonka Cawaale: Waxaa uu bixiyey qarashka uu balanqaaday ee garoonkaasi Cawaale ee waqooyiga Galkacyo.

Biilka Ciidanka: Waxaa la bixiyey mushaaraadka ciidanka la diiwaan-geliyey.

Ugu dambeyntii, lama oga sida ay u fuli-doonaan balamahan cusub ee ra’isul wasaare Xasan Kheyre iyada oo aan weli la fulin balamo uu Janaayo 2018-kii sameeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo,  kana qaaday bulshada Galamudug, isaga oo dhagax dhigay mashaariic horumarineed, oo ilaa hadda waxba ka soo naaso cadeyn.

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, 

Goobjoog News