U bood dhigaalka

Kiisas Cusub oo Coronavirus Ah oo Maanta Laga Diiwaan Geliyay Deegaannada Soomaaliland

Sheeko:Dalka

Soomaaliland ayaa maanta oo ah Arbaco 27-05-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunka oo gaaraya 1003.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay  8 qof oo cusub uu cudurka soo ritay,  iyada oo sidoo kale shaacisay in guud ahaan ay xanuunka ka bogsadeen 23 iyadoo guud ahaan ay xanuunka u geeriyoodeen 17.

Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 225 kiis.

Xanuunka Coronavirus ayaa guud ahaan Soomaaliya waxaa laga helay kiisas gaaraya  1,711 waxaa ka bogsaday 253 halka ay u geeriyoodeen 67 ruux sidaas waxaa laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka dalka.

Goobjoog News