U bood dhigaalka

Kolonyo AMISOM Ah Oo Qarax Lagula Eegtay Waqooyiga Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa goordhow waqooyiga magaalada Muqdisho qarax lagula eegtay kolanyo gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.

Sida uu Goobjoog News u sheegay qof Goobjooge ah waxaa uu qaraxa ka dhacay inta u dhaxeysa X Control iyo SOS, gaar ahaan maqaayadda Barwaaqo.

Qaraxa kadib, ciidamada AMISOM ayaa xabado ku furay deegaanka, waxaana la sheegayaa inuu jiro khasaare, laakin lagama hayo wax faahfaahin ah.

Gaadiidka AMISOM ayaa ka tagay dhanka Waddada Warshadaha iyaga oo ku sii-jeeday xerada  Maslax ee duleedka Muqdisho.

Faah-faahinta kala soco halkan.

Goobjoog News