U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed : Lafta Gareen Oo Maanta Shaacin Doono Liiska Musharixiinta Aqalka Sare

Luuliyo 31, 2021

Waxaa lagu wadaa Maanta ilaa Caawa in MD Laftagareen soo magacaabo Listiga Senetarada Somaliya KG ku metelaya oo ka kooban 8 Sen.

Lafta gareen ayaa maalmo ka hor dalka dib ugu soo noqday kadib safar uu kugu maqnaa dalka Turkiga, madaxweynaha ayaana la filaya in uu dhawaan guddiga doorashooyinka u soo gudbiyo liiska xubnaha musharixiinta.

Koonfur galbeed ayaa ah maamulka labaad ee tan iyo Jubbaland bilawdo diyaar garowga arrimaha doorashooyinka aqalka sare, xilli 28-kii bishaan ay la wareegen sanaadiiqda codbixinta iyo waraaqaha doorashada.

Goobjoog News