Koonfur Galbeed oo Ka Hadashay inay Joojisay Shir u Qabsoomi Lahaa DF iyo Maamul Goboleedyada Dalka

Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay wararka sheegaya in maamulka Cabdicasiis Laftagareen ay horistaageen shir la filayay inuu dhexmaro madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah waxaana maamulku uu iska fogeeyay arrinkaasi.

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Koonfur galbeed ayaa lagu beeniyay warkaasi waxaana warsaxaafadeedkaas lagu sheegay in dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada dalka ay guddi u xil saareen qabsoomidda shir ay yeeshaan labada dhinac.

Sidoo kale Koonfur galbeed waxa ay sheegtay in wali guddigaas ay wadaan doodo ku aaddan xilliga uu shirkaas furmayo, halka uu ka dhici doono iyo ajandeyaasha looga hadlayo intaba.

 Warka ka soo baxay Koonfur galbeed ayaa waxa uu ku soo addaya xilli uu jiro khilaaf xoog leh oo u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira taas oo hoos u dhigeysa kalsoonida ay shacabka ku qabaan xukuumadda hadda jirta, maadaama ay kala fogyihiin saamileydii siyaasadeed ee dalka.

Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW