U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed: Sarkaal Ka Tirsan Al-shabaab oo Isku Dhiibay Dowladda

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka qeybta 60-aad oo  ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay xubin ay sheegeen  inuu ka tirsanaa Al-shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Abiikar Maadey.

Ninkaan ayaa waxaa magaciisa afgarashada lagu sheegay (Cabdullaahi) waxaa uu iska soo dhiibay gobolka Bokol, waxaana uu sheegay kahor inta uusan isisoo dhiibin inuu xiriir lasoo sameyey ciidanka, sidaasna uu isku soo dhiibay markii dambe.

Cismaan ayaa wareysi uu dhiibay markii lasoo bandhigaayey  waxaa uu baaq u diray saaxiibadiisa kale ee ku jira Al-shabaab waxaana uu ugu baaqay in ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda, waxaana uu xusay inuu dagaallo badan ka qeyb galay.

Ciidmada dowladda ee kusugan gobolada dalka oo howlgallo ay ka wadaan ayaa marar badan waxaa ay soo bandhigeen rag ay sheegeen in ay isusoo dhiibeen , kuwaas oo ka tirsanaa AL-Shabaab oo dagaal kula jira ciidanka dowladda iyo  AMISOM.

Goobjoog News