U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed: Xildhibaanno Federaalka Ah Oo Ka Hor Yimid Wareegto Kasoo Baxday Shariif Xasan

Sheeko:Dalka, War

Xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, islamarkaana deegaan doorashadoodu ay tahay gobolka Bakool, ayaa kulan ay yeesheen waxay kaga soo horjeesteen wareegto uu madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan uu degmo ugu magacaabay deegaanka Yeed ee gobolkaasi.

Kulanka ayaa ahaa mid albaabada u xiran, waxaana xildhibaannadan ay ku andacoonayaan in xilligaan aanay suurtagal ahayn in deegaan laga dhigo degmo, maadaama deegaanno  kale ay iyaguna wax tabanayaan.

Senator Xuseen Sheekh oo goobjoog ka ahaa kulankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in waddo aan sharci ahayn loo maray degmo ka dhigista Yeed.

Waxay sidoo kale sheegeen xildhibaannadan kulmay in madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya keliya uu deegaan ka dhigo karo degmo.

Goobjoog News